Kulamo gaar gaar ah oo caawa ka socda Dhuusamareeb.

Wararka Naga soo gaaraya Magalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in caawa halkaasi ka socanayaan kulamo gaar gaar ah.

Kulamadaan ayaa ah mid ay musharaxiinta xilka gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku xod xodanayaan xildhibaanada baarlamaanka.

Qaar ka mid ah xubnaha u sharaxan xilka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu soo waramayaa in caawa si kala gooni gooni ah u qaabilayeen xildhibaanada si codka kalsoonida ah uga helaan.

Musharaxiinta qaar ayaa ah kuwa xili hore ka quustay in ay u soo baxaan xilka gudoonka baarlamaanka kadib markii ay arkeen awooda ay ku dhex yeelan karaan xildhibaanada.

Ilaa sedex musharax ayaa ugu cad cad xilka gudoonka baarlamaanka kuwaas oo kala ah.

1-Maxamed Nuur Gacal

2-Abdinaasir Aadan Cusmaan

  • Cabdullaahi Axmed Calasow

Si kastaba maalinta bari ayaa lagu wadaa in xildhibaanada galmudug codka kalsoonida ah u qaadaan musharaxiinta u tartamaya xilka gudoomiyaha baarlamaanka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com