Isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada dalka oo socda{AKHRISO}

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in Sabtida uu shir uga furmo Magaalada Muqdisho, iyadoona looga arrinsan doono wixii ka qabsoomay heshiiskii dhincyadu ay 27-kii bishii May ku gaareen Xerada Afisyooni.
Ra’iisal Wasaare Rooble iyo masuuliyiinta kale ayaa qalinka ku duugay shan qodob oo heshiiskaasi muhiim u ahaa, kuwaa oo kala ah tubta xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, hannaanka xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo, xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, qoondada haweenka iyo in lixdan cisho doorasho lagu qabto.
Waxaa la fahamsan yahay illaa iyo hadda in hal qodob uu ka qabsoomay heshiiskaasi, waana qodobka xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, oo Dowlad Goboleedyada ay soo wada gudbiyeen, iyadoona Ra’iisal Wasaaruhu uu Sabtidii magacaabay Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta Khilaafaadka.
Madaxdu waxay garwaaqsan yihiin inaanay lixdan cisho ku qabsoomi karin Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, waxayna mar kale qorsheynayaan inay jiheeyan doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay daneynayaan in lix deegaan doorasho lagu soo koobo doorashooyinka, bedelkii kow iyo toban goobaad lagu qaban lahaa, si lamid ah doorashadii 2016 oo lix goobood ay ka dhaceen.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la fahamsan yahay in uu cadaadis ka haysto Magaalada Garbahaarey, iyadoo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu door bidayo in doorashada laga soo wareejiyo Baraawe, sababo ku aaddan amnigeeda oo uu ka walaacsan yahay, halka Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu walaac ka muujinayo Beledweyne, haddii dadka deegaanka ku kala qaybsamayn dhismaha maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ay u badan tahay in madaxdu isu raaci doonaan in lix goob doorasho lagu soo koobo doorashooyinka dalka, haddii muddada shirka uu socdo aanay arrimo kale soo bixin, kuwaas oo kala ah Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Jowhar, Dhuusomareeb iyo Garoowe.
“Dabcan haddii khasab looga dhigo inay lixdan maalmood doorashada ku qabtaan, ayagana xaq waxay u leeyihiin inay yiraahdaan hala soo koobo deegaan doorashada, ayadoo waqtiga yar ee harsan la eegayo,” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.
Dadka u dhuunduleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya inay arrintani mucaaradad kala kulmi doonto bulshada qaybteeda, waa haddii deegaan doorashada la soo koobo, isla-markaana ay baalmarsan tahay heshiiskii September 17.
Marxaladaha ku gadaaman doorashada sanadkan ayaa ka dhigaysa inay Soomaaliya wajaheyso doorashadii ugu adkeyd, tan iyo dib u yegleelidda dowladnimadeeda, muddo kow iyo labaatan sano laga jooggo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com