Gudiga doorashada ee Heer Federaal oo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo xalliyo isfaham darrada ka Taagan  doorashada Soomaaliya 2020/2021.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Guddigu soo dhaweynayo heshiis dhexmara hoggaanka siyaasadeed ee dalka, si xal looga gaaro khilaafka taagan ee la xiriira arrimaha doorashada.

Guddigu, wuxuu bogaadiyay deaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

Xafiiska Warar Muqdisho.

Info@aragticusub.com