khasaare ka dhashay Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo lagu weeraray duleedka Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya khasaare uu ka dhashay weerar lagu qaaday gaadiid ay wateen ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo ku sugnaa duleedka degmada Balcad gaar,ahaan degaanada inta u dhexeysa  Qalimow iyo Gololey.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay ilaa iyo 10 Askari oo ka Tirsan ciidamada  xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana weerar uu ahaa mid wadada loo galay Ciidankaasi xiili baabuur ay saarnaayeen

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarkan lagu gubay baabuur nooca dagaalka ah oo u soo gurmaday ciidamadan.

Weerarkan oo ka dhacay meel ku dhow deegaankainta u dhexeysa Qalimo iyo  Gololey  oo duleedka ka ah degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe .

Alshabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkaasi lagu dilay ciidankaasi ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Warar Muqdisho.

Info@aragticusub.com