Maxaa ka soo baxay Kulanka Cali Guudlaawe iyo Wakiilada Beesha Caalamka ?

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,ayaa Wakiilada Beesha caalamka kulan khadka Internet-ka ah la yeeshay waxana ay kaga wadhadleen xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Guudlaawe iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa ka wada hadlay muhiimaddu ay leedahay in xal laga gaaro khilaafka Doorashada si loo qabto doorasho loo wada dhan yahay.

Dowladda Federaalka oo kaashaneysa saaxiibadeeda beesha caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dolwadda Federaalka ay ka go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com