Waa Maxay Heshiiska ay Wada gaareen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed Soomaaliya?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweeyn ah oo isaga iyo wefdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Khudbad uu Jeediyay Madaxweynaha Puntland ayaa , waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wefdigiis

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com