Dawlada Federaalka oo ka codsaday Qaramada Midoobay in la dar dargeliyo Barnaamijyada loogu gurmanayo Dadka Tabaaleysan

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee wasaaradda kulan kula qaatay xubano ka socday xafiiska QM-ka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay  ku-xigeenka wakiilka  QM-Soomaaliya Mr:  Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha bani’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.

Kulanka waxaa  uu ahmiyad gaar ah siinayaa howlgalinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlaha baaxadda leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada UN-Soomaaliya 2021-2025.

Sidoo kale waxaa la is la gartay in la xoojiyo arrimaha bani’aadinimo ee haatan taagan, sida in xarunta ka jawaab celinta  dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nidaamka dalka.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa ka codsaday ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in la dar dargeliyo Barnaamijka Taakulada ee qaramada midoobay si loo samata bixiyo Malaayiin Soomaali ah oo la daalaa dhacaya Fatahaado iyo Ayax badan oo saameeyay dalagyadii beeraha ugu tabcanaa

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com