Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruunoo ka mid ah Culumida Waaweyn ee Soomaaliya  maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Xaruunta Maamulka Puntland

Soo dhaweeynta sheikh Mustafa ayaa waxaa ka qayb galay  madax ka tirsan Golayasha kala Maamulka Puntland, Culimaa’udiin, Dhallinyaro iyo aqoonyahanno ka socday Jaamacadaha iyo Machadyada kala duwan ee Garoowe,.

Wasiirka Cadaaladda, Diinta iyo Dastuurka Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo ka mid ahaa madaxdii soo dhawaynaysay Sheekh Mustafa  ayaa ku tilmaamay imaanshaha Sheekh Mustafe farxad iyo in uu yahay shakhsi kulansaday wanaag iyo Cilmi isugu jira Diini iyo Maadi intaba, bulshada Puntland ayka faa’iidaysan doonto muddada uu joogo Deegaannada Puntland.

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haruun ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida ballaaran ee Garoowe loogu soo dhaweeyay, isagoo xusay in uu rajaynayo in uu dalka ku maro kulamo Diini iyo is barasho ah.

Sheekh Mustafe ayaa ka qayb geli doona kulan Cilmiyeedka 12-aad ee Garoowe oo sanadkiiba mar ay qabato Mu’asasada Al-Minhaaaj  qabato, waxaana  ka  qayb gali doona  Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee kala duwani, diiradana lagu saaroxaaladaha  kala duwan ee bulshada dhexdeeda ka jira iyo arimaha Diiniga ah ee u baahan turxaan bixin iyo iftiimin wada jira.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com