Ciidanka Kenya iyo Alshabaab oo ku dagaalamay gobholka Jubada Hoose

Dagaal  u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa in Xalay dagaal ku dhexmaray Degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay madaafiic ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Qooqaani kaas oo Ciidamada kenya kaga jawaabeen Hubka culus.

Wararku waxay sheegayaan in Dagaalkaas uu wakhti kooban socday inkastoo aan faahfaahin laga helin Khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaallamay.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay saacado kadib weerarkii Al-shabaab weerar ay ku qaaddeen Degaanka Baar-sanguunni ee Gobolka Jubada Hoose halkaas oo Ciidamada Jubaland ay xarumo ku leeyihiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com