Xog:Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Madaxwayneyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe ayaa lagu wadaa inay maanta soo soo gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaa maalintii shalay Magaalada Muqdisho yimid Wafdi hordhac u ah Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland , Kuwaasi oo ay Qayb ka yihiin Ciidamada ilaalada gaarka ah iyo Masuuliyiin kale.

Maxamed Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Kulan la qaato Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana Arimaha ugumuhiimsan  ee kulanka looga hadli doono ka mid noqon doona Doorashada iyo Xaalada guud ee dalka.

Madaxwayneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan ka Qayb gelin shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug,  Waxayna sidoo kale Qaadaceen go’aanadii kasoo baxay Shirkaasi oo ay ka Qayb geleen Madaxwayne Farmaajo iyo Madaxda maamulada  Hirshabeelle, Koonfur Galbeed,  Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com