Banaan bax ka dhan ah Alshabaab oo maanta Gaalkacyo ka dhacay

Goobaha Ganacsiga Magaalada Galkacyo ayaa maanta la xiray ka dib markii laamaha ammaanka ugu baaqeen dadka inay kasoo qayb galaan banaanbax loogaga soo horka jeedo Al-shabaab.

Waxaa isoo baxay dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimi daafaha magaalada Galkacyo kuwaas oo doonaaya inay qab ka noqdaan banaan baxa ay ugu baaqeen masuuliyinta laamaha ammaanka magaalada Galkacyo.

Wadooyinka waaweyn ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la dhigay Ciidamo Boolis ah, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee banaanbaxa lagu dhiirigelinayo Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Galmudug ayaa dagaal kula jirtay  Al-shabaab iyagoo taageera ka helaya Dawladda federaalka Soomaaliya, halkaas oo bilahan dagaal ku dhexmaryey qayba ka mid ah gobolka Mudug.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com