Mawaadhin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Kooxo hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah, ayaa xalay magaalada Cape Town ee dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku haysta Koonfur Afrika.

Muwaadinka la dilay, waxaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Maxamed, waxaana dilka loo geystay uu ka dhacay goob ganacsi uu ku lahaa xaafad lagu magaacaabo Philipi oo hoostaga Magaalada Cape Town.

Dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegay in dilka Marxuumka uu dhacay xili Booliska dalkaas ay ku amreen inuu Dukaankiisa xero uuna fulinayay amarka, maadama Bandow lagu soo rogay Koonfur Afrka.

Wararka ayaa intaas daraya in ragii Burcada ahaa ee dilay Muwaadinka ay dhac u geysteen goobta Ganacsi ee uu ku lahaa xaafada Philipi, waxaana halkaas tegay Muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed, iyagoo ka qaaday Meydka Marxuumka.

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilal badan loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa goobo ganacsi, waxaana Sanadkaan 2020 dalkaas lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah, ilaa iyo hadana ma jirto cid arrintaas wax ka qabatay.