Ciidanka Danab oo Hawlgal ka sameeyay gobolka shabeelaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed  DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maantala sheegay in  hawlgal ay ka fuliyeen  wadada U dhexeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka DANAB ayaa warbaahinta dawlada u sheegay in Hawlgalka ay  ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab .

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Hawlgalka ay ku soo saareen miinooyina la sheegay in ay halkaasi ku aaseen Al-shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen Saraakiishaasi

Ciidamada Kumaandooska Dana bee ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dhawaan gaaray Magaalada Jowhar islamarkaana la sheegay in fariisimo ay ka sameysteen meel u dhaw magaalada Jowhar kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadanayan sugida Amniga wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar iyo guud ahaan gobolka shabeelaha Dhexe

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com