Xog:Gudoomiye Cumar Finish oo Eedeeyay madxada Dawlad goboleedyada qaar kana hadlay shirkii Dhuusamareeb3

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka warbixiyay bixiyey shirkii uu uga qeyb-galay magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Maamulka Galmudug.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in isaga iyoMadaxweyne  Farmaajo uu qorshahooda ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse ay taasi si weyn uga soo hor-jeesten madaxda maamuladii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb-3.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa sidoo kale sheegay madaxda maamul goboleedyada shirkaasi ku sugnaa ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ku eedeyay inay sameeyn waayeen tanaasul, maadama madaxdii dowladda federaalka iyo midka gobolka ay waqti badan isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan qorshahaaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com