Kenya iyo Cuba oo iska kaashanaya soo badbaadinta laba Dhaqtar oo lagu soo Afduubay Soomaaliya

 

Madaxda Dalalka Kenya iyo Cuba ayaa iska kaashnaya oo sidii loo soo badbaadinlahaa laba dhaqtar oo gacanta Alshabaab

Labada dhaqtar  oo bishii April 2019-kii laga ayaa laga soo  afduubtay Dalka Kenya

Wadamada Kenya iyo Cuba ayaa xaqiijiyay in wadajir ay isaga kaashanayaan sidii loosoo badbaadin lahaa Dhaqaatiirtaas oo gacanta ugu jira Alshabaab

Warbaahinta Prensa Latina ayaa daabacday in xiriir telefoon oo dhexmaray labada Wasiir Arrimo dibadeed ee Cuba iyo Kenya Bruno Rodriguez Parrilla and Raychelle Awour Omamo waxa ka wada hadleen  habka ugu fudud ee xorriyaddooda lagu siin karo dhaqaatiirta.

Macluumaad kooban oo kamid ah wada hadalka Wasiirada Arrimaha dibadda Cuba iyo Kenya oo lasoo dhigay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in waqti la geliyay qorshahaan oo marba dhinac laga fiirinayay sida ugu fudud ee loosoo afjari karo afduubka sanadka iyo afarta bilood ah oo ay ku gacan jiraan dhaqaatiirta Cuba.

“Waxa aan is dhaafsanay xaaladda dhaqaatiirteena la afduubtay, “Waxa aan dib u eegeynaa xaaladda xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga aan la leenahay hay’adaha caalamiga ah’ sidaasi waxaa qoraal kooban ku yidhi  Rodrguez Parrilla Wasiirka Arrimaha dibadda Cuba oo dhiggiisa Kenya la hadlay.

Assel Herrea Correa Waxa uu taqasuskiisu yahay cudurada guud, halka Landy Rodriguez Hernandez uu yahay dhaqtar ku shaqada leh qaliinka, waxaana la afduubtay 12-kii April 2019-kii.

Kenya oo ay ka howlgalayeen dhaqaatiirtaan iy Cuba oo ay u dhashay waxa ay marar kala duwan kulamo ka yeesheen sida ugu fudud ee loosoo furan karo labada Dhaqtar oo ay aaminsan yihiin in lagu hayo Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com