Ciidanka Jubland iyo Alshabaab oo ku dagaalamay gobolka jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubaland iyo  Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid  kadib markii Al-shabaab ay Saaka weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubaland ay ku leeyihiin Degaanka Baar-Sanguuni, sida ay warbaahinta u sheegeen Dad ka Agdhawaa goobta uu dagaalka ka dhacay

Warar ayaa so doo kale sheegay in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac balse lama hubo halka uu la eg yahay khasaaraha

Ciidamo ka Tirsan daraawiishta Jubland ayaa u gurmaday ciidanka jubland eek u sugan Baarsanguuni iyadoo la sheegayo in xaalada haatan ay wanaagsan tahay hawgalna halkaas ay ka wadaan Ciidanka Daraawiishata Jubland

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com