Gudiga la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Soomaaliya oo shir uga qayb galaya Dalka Masar

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaaladda Sharma Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay shirka Caalamiga ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Shirkaan oo ahaa midkii sagaalaad ee ay isugu yimaadaan dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ee la dagaalanka Musuq Maasuqa ayaa Soomaaliya waxay u ahayd markii ugu horeysay oo ay ka qeyb gasho kedib markii bilooyin ka hor la magacaabay guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa oo ay yeelato Soomaaliya tan iyo burburkii dowaddii dhexe.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa intii uu shirka socday waxa uu kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxdii shirka.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com