Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo Fariin u diray Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in xukuumadda Cusub laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici laheyd sanadka 2020-2021-ka, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid lagu wada ganacsan yahay.
Horay madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, iyagoo heshiis ka gaaray arima ay ka mid yihiin; Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan.
Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.
Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com