Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay muddo kororsiga lala xiriiriyay dowladda

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysay si daahfuran uga hadlay wararka sheegaya in Golaha Sharci-dejinta iyo Dowladda Federaalkaba, ay muddo kororsi qorsheynayan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay walaaca ka dhashay dib u dhigista lagu sameeyay furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Somaliya, ee ah inay horseedi karto dib u dhac ku yimaada doorashada lagu wado in sanadka soo socda ay dalka ka dhacdo ayaa meesha ka saaray in dib u dhac ku imaan karo doorashada.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in hal qodob loo baahan yahay in si wanaagsan uu dadku u fahmo. Doorashada la qabanayo oo uu ku sheegay inay tahay mid lagu soo dooranayo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Golaha Aqalka Sare, taasina aanu jiri karin wax dib u dhac ku keeni kara.

“Horta waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay waa Baarlamaanka (Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare). Waad la socotaa muddooyinkii aan ka soo gudubnay oo ugu dambeysay 2016-kii, doorashadii la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban. Marka waxaa la dooranaya 275 oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah. Waxay ila tahay in taasi xal loo waayi doonin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay magacaabeen guddi ka soo tala bixiya qodobada ka harsan Sharciga Doorashooyinka Qaranka, iyagoo la kaashanaya Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Qaranka, isagoo intaa ku daray in shaqadooda ay meel fiican mareyso, doorashadana lagu qaban doono xilligii loogu talagalay.

“Anaga waxaan magacawnay guddi ku-meel-gaar ah oo ka soo shaqeeya qodobada ka dhiman Sharciga Doorashooyinka, ayagoo kaashanaya Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Hawshiina way wadaan, inkastoo arrintan Coronavirus ay shaqooyinkii qaar u saamixi weysay, laakiin shaqo fiican ayay qabteen illaa hadda. Waxaana aaminsanahay inay soo dhameystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto.” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Gudoomiye Mursal ayaa intaa ku daray in dalka uu leeyahay dastuur, kaasoo jideenaya muddo xileedka Baarlamaanka iyo Xafiiska Madaxtooyada, ka hor inta aanu waqtigoodu dhammaana ay doonayan inay doorashada qabtaan.

“Wadankan dastuuruu leeyahay, xilliyaa loogu talagalay dastuurkaasi oo ah mudada xil-haynta ee Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha. Xilligaas waxaan rabnaa intaan la gaarin ka hor doorasho inay dhacdo, haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Mursal.

Xigasho Bbc-SOMALI