Gudoomiye Cumar Filish oo kormeeray Dhismaha Wadada Maanaboolyo iyo Afarta Darjiino

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa maanta kormeeray dhismaha  waddada laamiga ah ee isku xirta isgoysyada afarta darjiino iyo Manabolyo, halkaas oo ay ka socoto dayactir xoogan.

Dhismaha waddadaan ayaa in mudaa socotay, iyadoo uu gaba-gabo ku dhowyahay dhismaheeda.

Dhismha waddadaan ayaa waxaa daba socda bulaacado laga dhisayo waddada dhinacyadeeda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com