Gudoomiye ku Xigeenkii Amniga Degaanka Garasbaaleey iyo shaqsiyaadkale oo ku dhintay Qarax Wadada loo dhigay

Guddoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Garasbaaley Cali Maxmed Macalin, Guddoomiyihii dhalinyarada Garasbaaley Cabdirashiid Dubbad iyo labo askari ayaa ku dhintay Qaraxmiino oo wadada loo dhigay

Sidoo kale qarax waxaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen ilaa lix qof oo ay ku jiraan dad shacab ah oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee Cabdiraxmaan Axmed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkaas.

Sidoo kale  Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in qaraxu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala beegsaday gaar i ay saarnaayeen Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaley Cali Maxamed Macalin iyo Guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Cali Dubbad.

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com