Goob Qashinka lagu Keydiyo oo laga Hirgeliayay Magaalada Jowhar

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan Degmada Jowhar  ayaa bilaabay ololo nadaaafadeed oo ku saabsan bilic soo celinta caasimadda Hirshabeelle ka fuliyay magaalada Jowhar.

Maamulka degmada iyo kan gobalka ayaa sameeyay goob loogu talagalay in qashinka lagu  shubo.

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo Guddoomiyaha Degmada Jowhar Ismaan Maxamed Mukhtaar Baareey oo goobta ka hadlay ayaa bulshada ku nool caasimadda ugu baaqay in ay ka qayb qaataan ololaha isxilqaan ee lugu soo celinayo bilicdii ay lahayd magaalada Jowhar.

Guddoomiyaya Gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ku baraarujiyay shacabka ku nool Jowhar iyo maamulka Magaalada in loo bahanyahay si wadajir ah looga qayb qaato nadaafadda, madaama Jowhar ay kulansatay Caasimadda Gobalka iyo Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoo xusay in goob qashinka lagu keydiyo laga hirgeliyay duleedka magaalada Jowhar.

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com