Xukuumadda Federaalka oo Beenisay in dhalinyaro Soomaali ah ay ka qaygaleen Dagaalkii Gobolka Tigray

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur ay dadka qaar siyaasad ka raadinayaan.

Ma jiro ciidan soomaaliyeed oo Tigray ka dagaalamay iyo ciidan ay itoobiya dowlada soomaaliya weydiisatay ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Somaaliya .

Wasiir Dubbe wuxuu tilmaamay in dadka dacaayada noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Hadalkan ka soo baxay Wasiirka Wasarada warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli  waalidiin soomaaliyeed ay sheegeen in  Ilmo ay dhaleen oo Tababar loogu qaaday Dalka Ereteriya ay laga qayb geliyay Duulaankii Ciidanka Federaalka Itoobiya ay ku qaadeen gobolka Tigray Halkasi oo dhalinyaro badan oo Soomaali ah lagu laayay

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.comay