Wasiirkii hore ee Wasaarada waxbarshada oo Eedeeyn kulul U Jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nisa

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya slamarkaana ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in lagu laayay dagaalkii ka dhacay Itoobiya dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Goodax ayaa sheegay arin aad u fool xun, murugo iyo mas’uuliyad darro aan qiil laheyn ku tilmaamay tallaabada dhalinyarrada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay looga qeybgaliyay dagaalka Itoobiya, waxaana ay arintan keeni doontaa ayuu yiri in la waayo dhalinyarro naftooda u hibeeya in ay qeyb ka noqdaan ciidanka difaaca Qaranka.

Qarool uu Bartiisa Face buugga ku soo qoary ayaa u qornaa sidan”

‘ Ma jirto qiyaano Qaran oo ka weyn dambiga laga galay Ummadda Soomaaliyeed oo ay qaadayaan  Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin waana lagula xisaabtamayaa” ayuu yiri Xildhibaan Goodax

Warkan arintan ku saabsan ayaa siweyn u qabsaday baraha bulshada, iyadoo la arkayay waalidiin ku dibadbaxaya qeybo ka mid ah dalka kuwaa oo sheegay in ay carruurtooda qeyb ka yihiin dhalinyarrada dowladda u qaaday dalka Eritrea

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com