Gudoomiye Cumar Finish oo u hanjabay siyaasiyiinta Mucaaradka ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho , Cumar maxamuud maxamed Cumar Finish ayaa ka hadlay shirkii Midowga Musharaxiinta ee shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada muqdisho
Guddoomiye Finish ayaa sheegay in aan marnaba lagu cabsi gelin karin qalalaase Siyaasadeed iyo Ficilo ka hor imanaya amniga, xili uu hadal ka jeedinayay munaasibad lagu sheegay in looga tashanayo aayaha beelweynta Hawiye.

Waxa kale oo uu sheegay in aysan aheyn wax la aqbali karo ‘in loogu cago jugleeyo in Hawiye uu qori soo qaadan doono’, isagoona xusay inaysan sax aheyn midaas, maadama uu ku dooday in shaqsiyaad uu kamid yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo beeshaasi ka soo jeeda uu ka tirsan yahay Hoggaanka dowladda Soomaaliya.

“Guddoomiyiha gobolkaan ahay, mas’uuliyada amaankuna aniga ayey isaaran tahay, anigu Hawiye sow ma ihi, ma duurka ka imid?. Kuma dhacaan inay xasilooni daro abuuraan ee kuwo soo diray ayay u muujinayaan inay shaqeeyeen,” ayuu yiri Cumar Finish.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa sidoo kale sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan haddii ay isku dayaan inay xasilooni darro Abuuraan , isagoona ku baaqay in la dilo mucaaradka, wuxuuna dilkooda usoo daliil uu uga dhigtay Aayado qur’aan ah .
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com