Maxkmad Khafiifisay Xukun lagu Riday Nin sanadkii 2017ka laayay Dad Muslim iin ah oo ku cibaadeysanaeyay Masjidka Quebec.

Maxkamad ku taal Canada ayaa xukun ka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa sanadkii hore lagu xukumay laba goor oo xabsi daa’in ah, kadib markii uu lix qof ku dhex dilay masaajidka, halka shan kale uu si xun ugu dhaawacay.

Maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa laalashay xukunkaas oo ay ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan caadi ahayn”.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka dhigan in ninkan la sii deyn karo 25 sano gudahood, halkii uu markii hore xabsi ku qaadan lahaa 40 sano.

Bissonnette oo 31 jir ah ayaa bishii January 2017 waxa uu rasaas ku furay Muslimiin ku cibaadeysanay Masjidka Quebec Islamic Cultural Centre. Weerarkaas ayaa argagax weyn ku abuuray Canada, waxaana su’aalo laga keenay Islaam naceybka ka jira Quebec iyo qeybaha kale ee dalkaas.
Ninkaas ayaa qirtay inuu fuliyay weerarka.

“Waan ka qoomameynayaa waxa aan sameeyay. Ma ihi argagixiso, mana necbi Islaamka,” ayuu Bissonnette u sheegay maxkamadii xukunka hore ku riday.
Sharciga Canada ayaa dhigaya in qofka lagu xukumo xabsi daa’inka ay fursad cafis u furan tahay kadib marka uu 25 sano ku qaato xabsiga.
Boufeldja Benabdallah oo u hadlay masaajidka Quebec ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay inay ka “niyad jabeen” xukunka maxkamadda racfaanka.
“Kuma qanacsanin in xukunka uu cadaallad u falay dadkii lagu laayay dembigaas foosha xun,” ayuu sheegay Benabdallah oo intaa raaciyay in xukunka cusub uu utun ku yahay qoysaska dadkii la laayay.
Xukunka ay Khamiistii riday maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa yeelan karaa saameyn ballaaran.
Garsoorayaasha maxkamadda ayaa go’aanka oo ay si buuxda isugu raaceen ku sheegay in xukunkii hore ee lagu riday Bissonnette uu yahay mid meel ka dhac ku ah xuquuqda uu u leeyahay in laga difaaco “ciqaabta arxan darrada ah.”
Xukunka ayaa khuseeya Quebec oo keliya, balse haddii racfaan laga qaato oo la isla aado maxkamadda u sareysa Canada, waxa uu noqon karaa arin dood badan ka abuurta gudaha waddankaas.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com