Madaxweyne Lafta gareen oo ka hadlay caqabadaha maamulkiisa ka heysato Alshabaab

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed laftaagreen ayaa sheegay in Mamaulkiisa uu caqabada koowaad ee heysta uu kala kulmay Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in degmooyin badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay Al-Shabaab go’doomiyeen, isla markaana degmooyinka qaar aan la isugu gudbi Karin.

Waxaa uu Intaasi raaciyay in Afar kamid ah degmooyinka Koonfur Galbeed ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, sidoo kalena weli caqabado amni darro ay ku hayaan degmooyinka koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa shaaciyay Madaxweyne Lafta gareen in ay waajib tahay in si wadajir ah looga howlgallo wadooyinka iyo degmooyinkaKoonfur Galbeed ee Alshabaabka ay Maamulaan .

Warkaan ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo beegmaya ay , qaarxyo iyo weeraro ay ka geystaan degaanada Koofur Galbeed
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com