Gudoomiyihii degaanka Garasbaaleey oo qarax miino lagu dilay

Maxamed Abuukar Afrax oo ahaa gudoomiyaha degaanka Garasbaaleey ayaa ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay deegaankaasi Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxa lagula eegtay Waaxda Fooriloow gaar ahaan inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey .

Gudoomiyaha dhaawiciisa ayaa loola cararary  isbitaalku yaala  magaalada Muqdisho, balse markii dambe uu u dhintay.

Xafiiska Aragticusub Muqdisho

Info@aragticusub.com