Haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika oo dacwad culus lagu soo oogay.

Dacwad oogaha guud ee dalka Angola ayaa ballan qaaday inuu waddo kasta oo suuragal ah uu u mari doono sidii uu dalka dib ugu soo celin lahaa Isabel dos Santos kaddib markii baaritaan la sameeyey lagu helay dokumeentiyo muujinayo sida ay haweenayda Afrika ugu hantida badan dalkeeda u musuqday ee lacagta uga dhacday markii uu abaaheed uu madaxweyne ka ahaa dalkaas.

Waxaan adeegsan doonaa waddooyinka suuragalka ah iyo dadaallo caalami ah sidii aan Isabel dos Santos dalka aan dib ugu soo celin laheyn, waxaan taageero caalami ah weyddisannay dalalka Bortuqiiska, Dubai iyo dalal kale” ayuu yiri Dacwad oogaha guud ee Angola, Helder Pitra Gros oo la hadlayay raadiyaha dowladda.

Waxay dokumentiyada la helay muujinayaa sida ay qanddaraasyo faa’iido badan oo dhul, batrool, Dheyman iyo dhanka isgaarsiintaba ah xukuumadda kaga heli jirtay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com