Ilaa 7-Dal oo Afrika Ah oo Laga Helay Coronavirus

 

Ururka midowga Afrika oo soo saaray qoraal ayaa waxa ay si rasmi ah u sheegeen tirade dalalka afrikaanka ah ee laga helay caabuqa Coronavirus ee markii hore ka dilaacay dalka Shiinaha.

Warmurtiyeed ay soo saareen midowga Afrika ayaa waxa ay ku shaaciyeen in 7 dal oo afrikaan laga helay kiiskan waxa ayna kala yihiin wwaddamadaasi Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia.

Sidoo kale midowga ayaa diray baaq ah in dalalka kale ay muujiyaan feejignaan ku aadan sidii looga hortagi lahaa cabuqan faraha ba’an ku haya caalamka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com