Fanaan mudda dheer ka tirsanaa Alshabaab oo la soo bandhigay.

Muqdisho: Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal kooban, oo laga soo duubay Abshir Gaarane Axmed oo ka mid ahaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir.

Fannaan dowladda u shaqeeya ayaa sida la sheegay qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Abshir Gaarane Axmed, oo xog heyn u ahaa agaasimaha waaxda Fanka ee gobalka Banaadir Shamso Cali Macalim iyo fanaaniin kale ayaa laga qabtay guri ay daganaayeen oo ku yaalla degmada Boondheere. Muddo todobaad ah ayuu ku xiranyahay xarun lagu baarayo.

Baaritaan dheer oo ay hay’adaha ammaanka sameeyeen ayaa la sheegay in Abshir Gaarane uu qirtay in uu shaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxa uuna qaabilsanaa qaybta canshuuraha ee gobalka Banaadir.

Isha warka waxaan kasooxiganay  masuuliyiin katirsan Dowlada .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com