Qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay in aysan ka qeyb galeen doorashada(Aqriso).

Dhuusa-Mareeb, Qaar ka mid ah Musharaxiinta miisaanka culus leh ee xilka Madaxtinimada Galmudug ayaa goordhaw shaaciyay in ay qaadaceen ka qeyb galka doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Musharaxiintaan ayaa shaki xoogan ka muujiyay daacadnimada gudiga faraha kula jira qaban qaabada xilka doorashada Madaxweynaha.

Abdirahman Odawaa, Abdullahi Farah Wehliye, Kamaal Guutaale iyo Abdi dheere ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin doorashada la filayo in 30-ka bishan dhacdo.

Waxaa ayna arintaas sabab uga dhigeen in aysan cadaalad aheyn gudiga qaban qaabinaya doorashada.

Halkaan Hoose ka aqriso Warsaxaafadeedka Goordhaw ka soo baxay Musharaxiintaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com