Wararkii ugu dambeeyey xaalada Caafimaad Ra’iisul Wasaaraha Ingriiska mr Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku jira maalintii labaad daryeel,isaga oo ku jira  Qolka ICU-da ee la dhigo dadka Bukaanada daran ah. Waxa uu dareemayaa hadda deganaasho kadib markii lagu taageeray ogsijiin si uu u neefsado.

Johnson, oo laga helay cudurka Covid19 ku dhawaad laba toddobaad ka hor, iyadoo loo qaaday isbitaalka St Thomas ee ku yaal bartamaha London, madaama uu dareemayey qandho daran iyo qufac, laakiin xaaladdiisa ayaa ka sii dartay saacado kadib oo waxaa loo wareejiyay qaybta daryeelka degdegga ah.

55 Sano jirkan ah hoggaamiyaha Ingiriiska ayaa dalkiisa waxa uu wajahayaa halista cudurkan Safmareenka ah, iyadoo xukuumadiisa ay qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo Cudurkan.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com