Qofkii ugu horreeyay oo Covid-19 ugu dhintay Muqdisho

Xubno ka mid ah Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Risaala u xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey uu Coronavirus ugu geeriyoodey gudaha Soomaaliya.

Ruuxa geeriyooday ayaa ka mid ahaa 8 ruux oo horay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay u shaacisay in laga helay Corona Virus.

Da,da ruuxa geeriyooday ayaa lagu qiyaasay 60 jir lacanuunsanaa caabuqa Covid-19  oo ah cudur haleelay dad badan oo ku nool daafaha caalamka.

Ehelka ruuxa u geeriyooday Corona virus ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maalmihii lasoo dhaafay uu isbitaal ku yaalla Muqdisho ku jiray ka hor inta aan loo wareejin Isbitaalka Martini oo lagu tala galay dadka qaba Corona virus.

Sikastaba qofkan maanta ugu geeriyooday caabuqa caronavirus ayaa ah qofki ugu horeeyey ee ugu geeriyoodey Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com