Hay,adda sirdoonka Norwey oo ilaala u sameysay Gudoomiyaha Xisbiga Sp.

Oslo,:-Hay,adda Nabad sugida iyo sirdoonka Norwey ee loo yaqaan (PST) ayaa ilaala gaar ah u sameysay Gudoomiyaha Xisbiga SP Trygve Slagsvold Vedum.

Sirdoonka Norwey ayaa arintaasi sabab uga dhigay in waajib tahay sugida amnigiisa maadaama isku sharaxay xilka Ra,isul wasaarenimo.

Gudoomiyaha xisbiga Senterpartiet ayaa dhawaan xunbaha xisbigiisa u doortay in uu u sharaxan yahay xilka Ra,isul wasaarenimo doorashada 13-September dhaceysa.

Hay,adda Nabad sugida Norwey ayaa bilowday sanadii 2001 in ilaalo gaar ah loo sameeyo siyaasiyiinta isku sharaxa xilka Ra,isul wasaare.

Arintaan ayaa imaanaysa xili Xisbiga AP iyo Sp loo badaniyo in ku guuleysan doonaan Doorashada dhawaan ka dhaceysa dalkan Norwey.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com