Hogaamiyaha Xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamuud Geele oo soo dhaweeyay Ansixinta Heshiiska Siyaasadeed ee Doorashooyinka

Hogaamiyaha Xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamud Geele ayaa bogaadiyay Go,aankii labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel mariyeen Heshiiskii Doorashada  ee dhawaan ay ku gaareen Magaalada Muqdisho Dawlada Federaalka , Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka banaadir

Danjire Daahir Maxamuud Geele ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Face Buugga uu kaga hadlay  Ansixinta Heshiiska Doorashada iyo sida uu Xisbiga Isaga uu Hogaamiyo ay U Arkaan Go,aanka Meel marainta  Waxana qoraalka uu u qornaa Sidaan:

Xisbiga Dan Qaran ee uu hoggaamiyo

Dahir Mohamud Gelle

wuxuu soo dhawaynayaa go’aanka geesinimada leh ee ay maanta ku ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya heshiis siyaasadeedka doorashada 2021.

Xisbigu wuxuu bogaadinayaa midnimada labada aqal ee Baarlamaanka iyo dhammaan saamileeyda siyaasadda Soomaaliya waayo waa sida kaliya ee lugu dhaafi karo xilligaan kala guurka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.co