Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska kaalmeynta deyn cafinta Norwey (Sawiro).

Muqdisho,Kulan maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka ayaa lagu ansixiyay kaalmeynta heshiiska deyn cafinta Dowladda Norwey.

Kulankaan oo shir gudoominayay Ra,isul wasaare Hassan Ali kheyre ayaa ahaa mid inta badan diirada lagu saaray arimaha deyn cafinta.

Dowlada Norwey ayaa Soomaaliyeed ugu yaboohday $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com