NISA oo sii deysay Gudoomiye ku xigeenkii Rugta ganacsiga Gobolka Banaadir.

Muqdisho, Saraakiisha ciidamada  NISA ayaa sii daayay Gudoomiye ku xigeenkii Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Gobolka Banaadir.

Warar goordhaw soo baxay ayaa sheegaya in Gudoomiye ku xigeenka oo lagu Magacaabo Ahmed Jimcaale laga sii daayay xabsiga kadib markii wax dambi ah lagu waayay.

Saraakiisha Amniga ayaa wali gacanta ku haya Gudoomiyihii rugta ganacsiga Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa lagu tuhmayaa in xiriir la leeyahay Alshabaab isla markaana doorashadiisa door weyn ku lahaayeen.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com