Hoggaamiyihii Kooxda Daacishta Waqooyiga Afrika oo la dilay

Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabi jirey Cadnaan C/Waliid Al-saxraawi ayaa la sheegay in ciiddan u dhashay dalka Faransiiska dileen, sida uu Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ku sheegay Madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron.

Hoggaamiyaha Kooxda Daacishta ee Lama-degaanka Weyn ee Waqooyiga Afrika (Islamic State in the Greater Sahara) ayaa lagu eedeeyey inay Kooxdiisa ka dambeeyeen weeraro lagu dilay Muwaadiniin Maraykan,  Faransiis, Nigerian iyo kuwo kale.

Dowladda Maraykanka waxay Hoggaamiyahaasi dul dhigtay lacag dhan 5 million oo Dollar, kadib, dilkii at Kooxdiisa u geysteen 4 Muwaadin oo Maraykan ah oo lala dilay 5 u dhalatay dalka Nigeria.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan Warar Madax bannaan oo xaqiijinaya dilka Hoggaamiyaha kooxda Daacishta Lama-degaanka weyn ee Waqooyiga Afrika, Cadnaan C/Waliid Al-saxraawi.