Hon Mohamed Mahamud Esse gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada dowladda Puntland ayaa ka qayb galay daahfurka shirkweynaya 7aad ee dib u eegista waxbarashada Puntland.
“Waxaan maanta ka qayb galo daah-furka Shirweynaha 7-aad ee Dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe, waxaa sidaasi yiri Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiillada Dowladda Puntland oo goobta kula hadlay warbaahinta gudaha .
Shirkan muhiimka ah waxaa goob-joog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, wasiirro ka tirsan xukuumadda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Khudbad diiran oo uu halkaasi ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiillada Dowladda Puntland ayaa waxa uu kaga sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada gobolka intii uu u soo joogay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay waxbarashada u leedahay dhinac kasta oo ka mid ah horumarka iyo koboca dadweynaha dalkasta iyo Puntlanba