Hooyada ka tirsaneed Daacish iyo labadeeda Carruur oo maanta imaanaya Norwey.

Hooyada ka tirsaneed Ururka Daacish iyo labadeeda Carruur ayaa ku soo wajahan Norwey.

Warbaahinta Norwey ayaa ku waramaya in Hooyada iyo labadeeda Carruur maanta galinka dambe ka soo dagi doonaan garoonka diyaaradaha Oslo.

Qaban qaabada lagu soo kaxeynayo Hooyada iyo labadeeda Carruur ayay Warbaahintu ku waramayaan in ay socoto.

Imaatinka Hooyadan ayaa khilaaf xoogan ka dhex abuurtay Xisbiyada Hogaaminaya dowlada Norwey.

Xisbiga FRP ayaa ku hanjabay in dowlada isaga bixi doonaan hadii hooyadaas la keeno.

Ra,isul wasaaraha Norwey Erna Solberg oo xalay la hadashay Warbaahinta NRK ayaa sheegtay in ay ka go,antahay keenista hooyadaas sababo la xiriira mid ka mid ah Carruurta oo aad u xanuunsanaya.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com