Waa kuma Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug?.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta Mohamed Nur Gacal u doortay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka.

Halkan ka Akhriso taariikh nololeedka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa sanadkii 1966, ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud.

– 1987, Ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho.
– 1988, Ayuu qaatay Dibloomaha heerka dhexe, Machadkii Maamulka iyo Maareynta Jaamacadda Carabta ee Muqdisho.
– 1995, Ayuu Shahaadada koowaad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umdurman Al-islaamiya ee Dalka Sudan.
– 1999, Ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka Maaraynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga ee Jaamacadda Caalamiga Afirika.
– 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka Guud ka qaatay Jaamacadda Al-Niileyn ee Dalka Sudan.
– 2001, Ayuu Shahaadada Labaad ee Masterka, Maareynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga ka qaatay Jaamacadda Caalamiga Afrika ee Dalka Sudan.
– 2008, Ayuu Shahaadada 3 aad ee PhD Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umdurman Al-Islaamiya ee Dalka Sudan.

DHANKA SHAQADA & KHIBRADA:-

-2002 – 2008, Waxa uu ahaa: Maamulaha Xarunta Adeega Bulshada iyo Waxbarashada Joogtada ah ee Jaamacadda Muqdisho.

-2002 – 2008, Waxaa uu ahaa: Bare Sare ee Qaanuunka Dawliga iyo Dastuurka ee Kulliyadda Sharciga Jaamacadda Muqdisho.

2004 – 2006, Waxa uu ahaa; Maamulaha Barnaamijka Waxbarashada Sare ee Jaamacadda Umdurmaan Al-Islaamiyo iyo Jaamacadda Muqdisho.

– 2003 -2009, Waxa uu ahaa: Gudoomiye ku xigeenka Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ee Ururada Bulshada.

– 2009 – 2011, Waxa uu ahaa: Hormuudka Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Benadir.

– 2011 – 2012, Waxa uu ahaa: Maamule ku xigeenka Xafiiska Xiriiriyaha Hawlaha Bani’aadam-nimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, Somaaliya.

ARRIMAHA SIYAASADDA:-

– 2013 – 2014, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
– 2014 – 2016, La taliye Sare Arrimaha Siyaasadda, Xafiiska R/Wasaaraha.
– 2019, Xubin Guddiga Dib-u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Galmudug.
-17-1-2020 waxaa loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com