Jaamacada caanka ah ee Oxford oo soo saareysa talaal loogu tala galay Caronavirus

xili cudurka Caronavirus oo ku dhacay dad ka badan 2-Milyan qof oo daafaha dunida ku nool, is marahaantana  uu dilay dad ka badan  154,000 oo qof,  ayaa waxaana sii kordhaya maalinbo maalinta ka dambeesa dadka udhimanayo  cudurkan iyo kuwa uu ku dhacayo.

Jaamacada caanka ah ee Oxford kuna taala dalka Ingiriiska ayaa seynisyahano katirsan waxa ay sheegeen in ay soo saarayaan talaal loogu tala galay in cudurkan saf marka ah oo looga hortago.

Seynisyahanadan ayaa sheegay  in ay soo saari doonaan ugu yaraan hal milyan oo cirbadood oo talaal loogu talo galay cudurkan halista ah ee coronavirus ah bisha Sebtember ee sannadkan.

Mashruucan lagu soo saarayo talaalka Caronavirus waxaa taageereysa dowlada Ingiriiska, waxa ayna dowlada war ay soo saartay ku sheegtay in aysan  jirin wax dammaanad ah, isla markaana aanay suurto gal ahayn in muddo loo qabto soo helidda tallaalka.

Tijaabada ugu horeyso ay sameenayaan seynisyahan katirsan Jaamacada Oxford ee soo saaraya talaalka kahor taga Caronavirus ayaa la filayaa in ay qaadaan isbuuca soo socda , lamana ogaan karo wali wax tarka talaalkan cusub ee lasoo saarayo.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com