Jamacadda Carabta oo ka hadashay Isbadalada siyaasadeed ee Soomaaliya

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa  ka hadlay Xil-ka-qaadistii Ra’iisal Wasaare  Kheyre, kuna baaqay in la xushmeeyo Heshiiskii Dhuusamareeb

Hadal qoraal oo ka soo baxay Uurka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed inay adeecaan Heshiiska Qaranka ee ay Madaxweynayaasha DFS iyo kuwa Dowlad-gobaleedka ku wada gaareen magaalladda Dhuusamareeb.

Bayaanka ayaa lagu soo dhaweeyey Heshiiskii Dhuusamareeb oo ay Madaxdu isku raaceen in laga shaqeeyo Jadwalka Doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Somalia.

Wargeyska Masraawi ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu ka soo xigtay Ilo Rasmi ah oo ka tirsan Xoghaynta Guud ee Uurka Jaamacadda Carabta inay si dhow ula socdaan waxyaabihii ugu dambeyey ee ka dhacay Somalia, gaar ahaan Go’aankii uu Golaha Shacabka ee BFS ay Kalsoonida kala laabteen RW hore, Xasan Cali iyo Xukuumadiisa.

Ururka Jaamacadda Carabta waxay kaloo ka hadleen dadaalka socda ee lagu soo dhisayo Xukuumad Cusub, taasi oo Somalia ku sii hoggaamin doonta Muhiimadaha waa weyn, si loo taageero Ammaanka iyo Deganaanshaha, Ka-hortaga Masiibooyinka iyo inay DFS iyo Dowlad Gobaleedyada wada gaaraan Heshiis Qaran.

Ilaha Rasmiga ee Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta waxay kaloo xaqiijiyeen inay garab taagan yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo Dib-u-heshiisiin Qaran, Ka-hortaga Caqabadaha Horumarineed iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com