Maxay ka Tiri Dawlada Sweden Xilka qaadistii Xasan Cali Kheyre

Dowladda Sweden ayaa sheegtay inay la wadaagayaan Walaaca uu Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Midowga Europe, ahna Ergayga Saree e EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Josep Borrell Fontelles ka muujiyey waxyaabihii ugu dambeeyey ee Toddobaadkan ku soo kordhay Somalia.

Qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sweden, Ann Kiristiin Linde ayey ku muujisay Walaaca Xooggan ee ay ka qabaan Tallaabadii ay Golaha Shacabka ee BFS Kalsoonida kala laabteeen RW Kheyre iyo Xukuumadiisa.

Waxay sheegtay inay muhiim tahay in la sii wado Wada-xaajoodyada loo dhan yahay, iyadoo hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay in la dhowro Heshiiskii lagu gaaray magaalladda Dhuusamareeb.

Dowladda Sweden waxay ka mid tahay Dowladaha Taageeradda ugu badan ku bixiya Arrimaha Somalia, waana dalka Labaad ee ka tirsan Midowga Europe ee bixiya Deeqda ugu badan ee la siiyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Warka ka soo baxay Dowladda Sweden ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Maraykanka iyo Ururka Midowga Europe horey walaac xooggan uga muujiyeen Go’aankii Xil-ka-qaadista ee RW Xasan Cali Kheyre, kuna tilmaameen inaan loo marin qaab Dastuuri ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com