Joe Biden oo xayiraadi ka qaaday dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Joe Biden muddo 50 sano ah ayuu sugayay maanta oo kale, in xilka madaxweynaha Mareykanka loo dhaariyo, laakiin waligiis ma uusan fileynin in caqabad weyn ay sugi doonto maalintiisa ugu horreysa ee xukunka. Maxay yihiin arrimaha uu mudnaanta siin doono.

Wuxuu howshiisa ka billaabay in uu 10-ka maalmood ee ugu horreysa soo saaro wareegtooyin madaxweyne.

Amarradaas waa kuwo madaxweynaha oo kaliya uu leeyahay, oo aan u baahneyn in ay Golaha wakiillada go’aan ka gaadhaan.

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee uu wareegto kasoo saaray waa sharciga muranka dhaliyay ee mamnuucista safarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump.

Trump wuxuu Mareykanka ka mamnuucay dadka ka imaanaya dalal uu u arkay in ay keeni karaan khatar amni.

Qodobka ku saabsan qaadidda xayiraadda safarrada waxaa dalalka uu saameynayo ka mid ah Soomaaliya. arrintanna waxaa rajo yeelan doona dad badan oo qaxootinnimo u rajeynayay in ay ku aadaan Mareykanka iyo kuwo baasaboorka Soomaaliga ah ku safri kara.

Waxaa kale oo uu Biden mudnaan siin doonaa in uu Mareykanka ku celiyo heshiiskii isbaddalka Cimilada ee Paris.

Madaxweynaha la doortay ee maanta loo dhaarinayo xafiiska wuxuu sidoo kale maalmaha ugu horreeya ka howlgali doonaa barnaamijyo ku saabsan sidii looga soo kaban lahaa saameynta fayraska corona.

Biden ayaa tallaabo u qaadi doona in uu Mareykanka dib ugu celiyo xubinnimada hayadda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO.

100 milyan oo tallaalka corona ah ayaa la filayaa in la fuliyo 100-ka maalmood ee ugu horreysa maamulka Joe Biden.

Mr Biden ayaa doonaya in uu dardar galiyo tallaalka fayraska oo dhawaan billowday.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com