Maamulka Jubland oo ka hadlay Mowqifkooda ku Aadan Doorashooyinka Soomaaliya

Maamulka Jubaland ayaa  war-saxaafadeed kasoo saaray mowqifkiisa ku aadan doorashadii madaxweynaha HirShabeelle ee lagu doortay Cali Guudlaawe.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedka Jubaland ay hambalyo iyo bogaadin u direyso Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleeedka HirShabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

“Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ku hadlaya afkiisa, kan xukuumada iyo kan shacabweynaha reer Jubaland ayaa hambalyo waafi ah u diraya madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Islamarkaana Alle uga baryaya inuu u fududeeyo gudashada waajibaadka xilalka loo doortay,”

“Ugu danbeyn, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu hambalyeeynaya shacabka Dowlad Goboleedka HiShabeelle oo si nabad ah ugu dhacday doorashada madaxdooda, una rajeeyey inay sii xoojistaan nabada iyo dhismaha hanaanka dowladnimo ee ay hasytaan.”

Cali Guudlaawe ayaa noqday madaxweynaha kaliya ee doorashadiisa aanay ka dhalan wax khilaaf ah, ayada oo mucaarad iyo muxaafid ay si isku mid usoo dhoweeyeen, taasi oo ka duwan madax goboleedyadii hore oo khilaaf xooggan uu hadhayn jiray doorashadiisa.

Mucaaradka ayaa inta badan ku eedeeya dowladda inay faro-gelin ku hayso maamul goboleedyada, ayna si musuq-maasuq ah kusoo saartay madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshee way ka gaabsadeen inay eedeyn noocaas ah u jeediyaan doorashadii HirShabeelle.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com