Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyn Axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in fashiliyeen miinooyin gaaraya shan oo ay Al-Shabaab ku aaseen degaanka Shabeellow oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in labo ruux ay ku dhaawacmeen ka dib markii mid kamid ah miinooyinka Al-Shabaab ku aaseen degaanka ay qaraxday, iyadoo kuwa kalena lagu guuleystay in la soo saaro

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay degaanka Shabeellow soo galay ka dibna waxay ku aaseen miinooyin badan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degaanka ciidamada ammaanka ayaana ku baxay oo meesha ka saaray miinooyinkii ay ku aaseen ayuu yiri’ gudoomiyaha degaanka Bacaadweyn.

 

Degaanka Shabeelow, oo qiyaastii 90-km u jira degmada Hobyo, ayaa waxaa ku nool shacab xoolo dhaqato ah, kuwaas oo dhibaatooy dhowr jeer oo hore dagaal la galay Al-Shabaab.

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saaka iska hor imaad ku dhex maray ciidanka dowladda iyo Alshabaab ee soo gaaray degaanka Shabeellow , walow markii dambe ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka JOWHAR.

Info@aragticusub.com

.