Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Tuulada Xaaji Cali oo hoostagta degmo Xeebeedka Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin dhacay Tuulada Xaaji Cali, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalDhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa sheegeen in saaka halkaasi ay ka wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas

Xafiiska Wararka JOWHAR

Info@aragticusub.com