Kheyre oo daahfuray mashruuc lagu maalgalinayo dhalinyaro Soomaaliyeed(Sawiro).

Muqdisho, Ra,isul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Ali Kheyre ayaa maanta daahfuray Mashruuc lagu maalgalinayo dhalinyaro Soomaaliyeed.

Mashrucan ayaa lagu maalgalinayaa 340 dhalinyaro ah kuwaasi oo soo bandhigay hal abuur guuleystay.

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ayaa maalgalinaysa mashruucaan isla markaana la sheegay in uu ku bixi doono lacag dhan US$1.6Mliyan, sidoo kale waxaa ka qayb qaadan doona qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Sidoo kale dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa noqon doonta mida fulineysa Mashruucaan.

Ra,isul Wasaare Kheyre oo kulanka ka hadlay ayaa kula dar daarmay dhalinyarada mashruucan qeybta ka ah in wax qabad dhab ah la yimaadaan isla markaana fure u noqdaan shaqa abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hadii mashruucaan hirgalo waxaa uu noqon doonaa mid ay shaqa abuur ku helaan dhalinyaro farabadan isla markaana ku yaraan doonto shaqa la,aanta baahsan ee iminka haysata qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo Sawirada daahfurka Mashruucaan:

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com